Welcome

Solid Waste

Solid waste management, particularly for plastic waste, has become a critical environmental concern. Below is an outline that can guide on this topic:

COMPOST-Sida beeraha loogu sameeyo

Compost waxay leedahay faa’iidooyin aad u fara badan waxaana ka mid ah:1. Inay ciida aad ay u dhisto.2. Inay ciida u sahlayso inay ceshato nafaqadii, biyihii, iyo hawadii, aad ayaana looga baahan yahay wadankeena, sababtoo ah kama jiraan Soomaaliya company-yaal soo saara Compost.Marka Waxaan ka hadli doonaa qaabka loo dhiso Compost iyo sida ay dadkeenu uga faa’iidaysan karaan:Sidaan sheegnay waxaan ka hadli doonaa sida beeraha loogu sameeyo Compost, ha ahaato beer wayn ama beer xaafada kuugu taala.Waxyaabaha aan ka hadli doono waxaa ka mid ah: 1.Noocyada Compostiga.2.Yaa isticmaala iyo faa’iidada ay leedahay Compostiga.3.Talaabooyinka : aerobic compostiga marka loo baahannyahay in lasameeyo sida;Habka loo sameeyo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in lasameeyo si aad u heshid Compost aad u fiican.1.Waa maxay noocyada Compostiga ee jira? 1.Anaerobic Compost: oo ah compost aan lahayn oxygen badan, hadaba noocaan oo ah in alaabtii la iska daadiyo alaabtii oxygen badan ma yeelato, compostiga noocaan ah waxaa baabi,iya anaerobic micro organisms oo ah cayayaanka yar yarka ah oo ciida ku jira, sidoo kale waxay ku xun tahay ur badan ayay yeelaataa marka wax qoyan iyo tan cagaaran la isku daro, sun ayay xitaa ku noqotaa mararka qaar geedaha oo inay geedihii sumayso ayaa laga yaabaa, Methane gaas la yiraahdo ayaa ka dhasha iyo organic acids, marka uma fiican geedaha. Waxaa kaloo lagu yaqaanaa inay leedahay temperature hooseeya, taasna waxay keenaysaa inaysan dili karin mirihii haramaha ama weedska ku jiray ama cayayaanadii sunta ahaa oo ku dhexjiray inaysan dili karin ayay keenaysaa, sida caadiga ahna waxay qaadataa waqti dheer oo Aerobic compostiga iyo anaerobic compostiga waqti dheer waxaa qaadata anaerobic compostiga, laakiin iyaduna shaqo badan lagama qabto oo qashinkii iyo cuntooyinkii soo haray waxoo halmeel ayaad dhigaysaa marka waxaad gadgadinayso maahan, laakiin ayaduna waxay ku xun tahay wax soosaar fiican malahan oo aad loogama isticmaalo midan noocaan ah. 2.Aerobic compost: waa compost aad adduunyada looga isticmaalo waxayna leedahay oxygen badan oo waa lagadiyaa, taasna waxay keenaysaa Aerobic micro organisms nooc layiraahdo inay ku noolaadaan, waxayna siidaynayaan carbon dioxide iyo amunia iyo biyo iyo humus.  Faa’iidooyinkiisana waxaa kamid ah: Kulaylkaas saaidka ah wuxuu keenayaa inuu burburiyo noolayaashii dhammaan oo ku noolaa meeshaas, ha ahaadaan kuwo geedaha dhibaya ama kuwo dadka dhibaya, wuxuu kaloo dilayaa weedskii, sidoo kale waqti kooban ayay qaadataa oo noocii kale tan ayaa ka dhakhso badan, sidaas darteed noocaan ayaa adduunyada oo dhan aad looga isticmalaa oo beeraha u fiican, Mawduucaana waxaan uga sheekaynaynaa Aerobic Compostiga . 2.Yaa isticmaala iyo faa’iidada ay leedahay.Waxa aad u isticmaala compostigaan beeraha xaafadaha, ayagoo u isticmalaya geedaha xaafadaha lagu qurxiyo oo suuqyada ayaa lagu iibiyaa.waxaa kaloo isticmaala professional horticulture sida dadka Green houseka leh oo kale, dadka miraha yaryarka ah korinaya, dadka geedaha qur qurxoon oo xaafadaha laga iibinayo oo kale abuuraya, dadkaas ayaa aad u isticmaala, oo beeraha waawayn oo galayda camal lagu soo saarayo looma isticmaalo, sababtoo ah waa wax aad looga soo shaqeeyay oo qaali ah. •Soil improver & fertilizer: waxaa kaloo loo isticmaalaa in ciidda lagu hagaajiyo aan biyaha ceshan karin, ciida ciriiriga isku noqota, ciladaha badan ciidaha leh ayaa lagu hagaajiyaa, sidoo kale nafaqo ayay u noqnaysaa ciida. 3.Talaabooyinka Aerobic Compostiga marka loo baahan yahay in lasameeyo:-✓Materials for composting: •Haraaga jikada kasoo hara.•Caleemaha qoyan.•Caleemaha qalalan.•Digada xoolaha.•Sawdust–oo ah alwaaxyada marka la jarjaro qashinka kasoo hara.•Cuntooyinka lawarshadeeyo haraagooda.•Joornaalada ama kartoomada. ✓Habka Compostiga loo sameeyo:-•Small heap in garden: oo ah inaad meel yar aad samayso oo aad kusoo saarto Compostigaaga, hadaad heli kartid waxyaabo badan oo aad u isticmaasho sida: cagaar badan, qashin badan, cuntooyin badan oo soo haray waa inaad heli kartaa markaas un baad Compost sameem kartaa ee wax aad u yar lagama samayn karo.✓Qaabab badan waa loo soosaaraa Compostiga waxaana kamid ah: 2.Aerated windrows: oo kan meeshii la wareejin lahaa yaa waxaa lasameenayaa biyihiina qaabkalaa loogu shubayaa aaryadana xoog ayaa lagu dhex galinayaa meesheeda in laga qaado uma baahna.Hadad rabtid sida loo sameeyo inaad aragtid muuqaalkan daawo 3.In-vessel Compost Or Revolving Drum: meeshiisa isaga oo jooga ayuu wareegayaa oo si dhakhso ah ayuu wax kusoo saaarayaa illeen aad ayaa loo controlayaa marwalbee hadey ahaanlahayd aaryadii iyo biyihiiba.Hadad rabtid sida loo sameeyo inaad aragtid muuqaalkan daawo ✓Waxyaabaha loo baahan yahay si loosoo saaro Compost aad u fiican: •In lahelo organic matter- ha ahaato mid xoolo ka timid ama ha ahaato midda geedaha ka timid waa in lahelaa.•Micro organisms- noolayaasha yaryarka iyaga weeye waxa shaqada qabanaya oo burburinaya organic matterkii, marka waxay ubaahan yihiin cimilo ku haboon ay ku noolaannkaraan, taas marka waxaa kamid ah inay helaan aaryo ama oxygen ay ku neefsadaan iyo inay Nitrogen iyo biyo ay helaan waa muhiim, kuwaas haday meesha kamaqan yihiin ama mid kamid ah uu kama qan yahay Compost fiican meshas kama soo baxayo.•Aeration- oo ah inay aaryo fiican helaan oo oxygen ah,sababta ay ku helayan oxygen tuna waa gediska lagadinayo, waliba waxay muhiim tahay bilowga hore marka labilaabayo. Marka gediskaa aad gadinaysid kulalyl saaid ah ayaa kabaxaya aaryana waa ay soogalaysaa, waliba wadamada aadka u kulul sida Soomaaliya oo kale waxa lagayaabaa inuu kulayl saaid ah uu kadhaso ooxita lagayaaba inay dab keento sidas darted waa muhiim in lagadoyo.•Moisture- oo ah qoyaanka, sidaan sheegnay aad ayuu muhiim u yahay oo si ay shaqada ay u qabsadaan micro organismsku waxay u baahan yihiin inay qoyaan helaan, waliba qoyaanku waxa larabaa inuu noqdo 40% illaa 65% inuu u dhaxeeyo marka ay bilowga tahay, marka hadii ay qalasho waxaa dhacaysa shaqadii compostiga inay yaraato, hadii aad 65% aad ka badisidna meshii oxygeen la’aan ayaa kadhacaysa.•Nutrients- Nafaqada micro-organismska, waxa aad muhiim u ah in la isku dheelitiro carbonka iyo Nitrogenta.Marka waxaa larabaa 25:1 oo ah 25Carbon iyo1 Nitrogen ah inay isku soo aadaan.•Temperature- heer kulka, inay kululaato aad ayay muhiim u tahay oo Temperature ku uu aad u kaco, bilowga hore oo bilowga ay tahay 20–45 Celsius ayuu kulaylku u dhaxeeyaa laakiin xiliga ka danbeeya waxaa lawareegaya micro organism layiraahdo semoflic oo kulaylka aadka ah u dulqaadan karta oo shaqadooda qabsan karta, kulaylkas wuxuu gaari karaa 50 illaa 70 Celsius, kulaylkaas saaidka wuxuu keenaya markuu gaaro 55 Celsius inuu dilo weedskii